Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay joojisay maanta Fiisaha lagu tago dalka Suudaan in lagu socdaalo loogana dhoofo garoomada dalka.
Arrintan ayaa looga dan leeyahay in lagu loo yareeyo socdaalka dhalinyarada tahriibeysa ee ku socda dalka Suudaan, waana jawaabtii ugu horeysay ee dowladda Soomaaliya ka bixiso Doontii ay ku dhinteen dhalinyaro ka badan 400 oo Soomaaliyeed.
Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen. C/llaahi Gaafoow oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay inay maanta joojiyeen Visa-ha lagu tago dalka Suudaan in looga socdaalka Garoomada dalka.
“Waxaan aad uga xunnahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee Gaaraysay 400 ee ruux ee ku dhamaaday Badda u dhexeysa Afrika iyo Yurub,waxaa ay na soo xasuusineysa waxii dhacay 91-dii waxaan ku dadaaleynaa in aan badbaadino Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Badda ku dhamaanaya”ayuu yiri Janeraal Gaafow.
Taliye Gaafow ayaa ugu baaqay aMaamulada Soomaaliland iyo Puntland inay hubiyaan dadka ay siinayaan Visa-ha lagu aadayo dalalka laga Tahriibo.
Wadani.com