Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay tallabaadii uu qaaday madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo booqday degmada Dhoobley.
Uhuru Kenyatta ayaa booqday ciidamada Kenya ee ka mida AMISOM ee saldhiga ku leh degmada Dhoobley, Gobolka Jubbada Hoose, sida ay baahisay Madaxtooyada Kenya, isla markaana madaxweyne Uhuru uu ku soo qoray bartiisa twitter-ka.
Ilo ka tirsan dowladda federaalka ayaa xaqiijiyay inaysan dowladda Soomaaliya wax war ah ka heynin socdaalka madaxweynaha Kenya ee degmo ka tirsan Soomaaliya, taasoo keentay in dowladda Soomaaliya ay ka carooto tallaabadaasi, iyadoo loo qaatay fal gef ku ah xiriirka labada dal.
Ilaa iyo hadda jawaabo is khilaafsan oo aan rasmi ahayn ayaa soo baxay. Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Maxamud Sayid Aadan ayaa ku dooday inaysan dhicin wax booqasho ah oo Madaxweynaha Kenya ku yimid Dhoobley. Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa iyaguna laga soo weriyey in dowladda Soomaaliya ay sii ogeyd booqashada madaxweynaha Kenya.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in madaxda dowladda Federaalka ay ka tashanayaan tallaabadii ay ka qaadi lahaayeen booqashada xadgudubka lagu tilmaamay ee Uhuru Kenyatta, waxaana laga yaabaa in madaxweyne Farmaajo uu ka baaqsado socdaalkii uu ku tegi lahaa dalka Kenya 25-ka bishan.
Xiriirka labada dowladood ayaa hadda meel xun maraya, waxayna tijaaadan noqoneysaa mid lagu ogaado sida dowladda Farmaajo uga go’an tahay inay la xisaabtanto dowladaha deriska ah.
Wadani.com