Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal weyn oo Alshabaab looga saarayo Dalka Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre oo Magaalada Muqdisho kula hadlay boqolaal dhalinyaro ah ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka ay bilaabi doonto dagaal weyn oo dalka looga saarayo Al-shabaab.
Wuxuu shaaciyay in dagaalkan uu bilaaban doono Sabtida 21-ka Oktoobar ee soo socota, kasoo noqon doona sida uu dagaalkii lagu soo afjari lahaa kooxda, wuxuuna ku baaqay in loo diyaar garoobo.
“Dalku wuxuu geli doono xaalad dagaal, sida uu madaxweynaha sheegay inuu dalku dagaalka geli doono…” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre.
DHAGEYSO