Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Dowladda Soomaaliya oo la soo wareegtay maamulka Astaantii Internetka ee Soomaaliya (.SO) [Yaa heystay..?]

    Dowladda Soomaaliya oo la soo wareegtay maamulka Astaantii Internetka ee Soomaaliya (.SO) [Yaa heystay..?]

    March 9, 2018Updated:March 9, 20183 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa si rasmi ah ula soo wareegtay Astaanta Qaranka ee Internetka Soomaaliya (dotSO) oo ay maamuli jirtay hay’ad ka madax banaan Dowladda, balse wixii hadda ka dambeeya lagu soo wareejiyay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo masuul ka ah maamulka Astaanta qaranka sida uu qorayo qodobka 54aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

    Qeybta hore ee wareejinta ayaa ahayd heshiis 7dii Maarso 2018 dhex maray Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo shirkadda Cloud Registry oo adeegyo farsamo siisa astaanta qaranka, halka qeybta dambe ee xil-wareejinta ay sameeyeen maamulkii hore ee SONIC oo haatan si buuxda ay ula wareegtay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

    Agaasimihii hore ee SONIC, Mudane C/casiis Xuseen Cumar, oo xilkaas iska casilay, mas’uuliyaddana ku wareejiyey Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu muddo adeeggan u soo hayay dalka, ugu dambeyntiina uu mas’uuliyaddaas ku soo celiyo Dawladda.

    Maareeyaha cusub ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Cabdi Sheekh Axmed, ayaa sheegay in sharciga isgaarsiintu uu qorayo in furaha taleefoonka (252) iyo astaanta internetka (dotSO) ay yihiin hanti qaran oo ay qasab tahay in ay ku soo noqdaan gacanta dawladda, waxayna tallaabo billow ah u tahay in hantidii qaranka dib loogu soo celiyo gacanta dawladda isaga oo sidoo kale ugu mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda waqtiga badan ee uu geliyey sidii ay u suurtogeli lahayd wareejintan.

    Waxaa munaasabadda xil-wareejinta iyo wada-hadalladii saxiixa heshiiska qeyb iyo goobjoogba ka ahaa Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, wasiirka xannaanada xoolaha, Mudane Sheekh Nuur Maxamed, Garyaqaanka Guud ee Qaranka, iyo wakiil ka socday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka, oo heshiiska u kala qaabilsanaa hubinta sharciga iyo xisaabaadka, waxayna gebogebo u ahayd hannaan soo socday muddo 10 bilood ah oo uu billaabay wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada 15-kii Abriil, 2017, laba toddobaad ka dib markii uu xilka la wareegay.

    “Maanta waa maalin kale oo guul u ah Wasaaradda, xukuumadda, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Inkastoo aan anigu hoggaaminta lahaa, haddana guusha laga gaaray arintan waxaa ka qeyb qaatay dad badan oo aan u mahadcelinayo gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha oo kalsooni iyo taageeraba nagu siiyay arrintaan ilaa maalintii aan u istaagnay, waxa ayna ka mid ahayd arrimaha mudnaanta u leh Wasaaradda, oo aan ka shaqo billawnay 2 toddobaad kadib markii aan xilka la wareegnay” ayuu yiri Mudane Eng. Cabdi Cashuur oo sidoo kale u mahadceliyay wasiirka Xannaanada Xoolaha, Garyaqaanka Guud ee Qaranka oo hawshan gacan weyn ka geystay iyo sidoo kale shaqaalihii iyo Maamulkii SONIC oo uu ugu horreeyay Mudane C/casiis oo si xilkasnimo leh u soo wareejiyay hantidan qaran.

    Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa hormuud ka ahaa ansixinta sharciga isgaarsiinta oo muddo 12 sano ah qabyo ahaa. Sidoo kale wuxuu waqti badan geliyey in astaanta qaranka (dotSO) lagu soo wareejiyo gacanta dawladda, arrintaas oo iyaduna muddo sanooyin ah soo jiitameysay oo aan wax guul ah laga gaarin wixii ka horreeyay 8da Maarso 2018.

    Waxaa dhowaan Muqdisho lagu qaban doonaa munaasabad lagu soo bandhigi doono sida adeeggan ay uga faa’iideysan doonaan dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo qorshe cusub ee lagu horumarinayo oo muddo laga soo shaqeynayay.


    Maamulka astaanta Qaran ee Soomaaliya .SO ayaa waxaa gacanta ku hayay muddo sanado ah wasiirkii hore ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan.

    Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Ibraahim Aadan

    [Fadeexadan muddo soo taagney halkan ka akhriso]


     

    Safka danbe Midig: Wasiirkii hore ee isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed ibraahim Aadan oo muddo sanado ah heystay hantidii Qaranka ee .SO

    Image may contain: one or more people

    Image may contain: 7 people, people smiling, people standing, suit and indoor

    Image may contain: 4 people, people sitting, table, office and indoor

    Image may contain: 1 person, sitting and indoor

    Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

    .SO Astaanta Qaranka ee Internetka dotSO Maxamed Ibraahim Aaden Top Wasiir la baxsaday hanti Qaran
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleJaamacadda Carabta oo Qaraar ka kooban 19 Qodob ku taageertay Dowladda Soomaaliya [Akhriso]
    Next Article Dowladda Mareykanka oo Liiska Argagixisada ku dartay Hogamiyeyasha Al-shabab ee Kenya [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo