Dowladda Soomaaliya ayay ku qaadatay muddo 4 sanadood ka badan inay ku soo baraarugto Hanti qaran oo shaqsi wasiir mar ka noqday dowladii KMG ahayd uu la wareegay iskiisna u maamusho taasoo ah calaamada Soomaaliya ee .SO
Heshiis lagu wareejiyay .SO ayaa waxaa wada saxiixday dowladdii kumeel gaarka ahayd oo uu u saxiixay C/risaaq Cusmaan Jurille iyo shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo GMO taasoo k howl gasha dalka Japan xaqna loo siiyay inay iibiso domainka Qaranka Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa waxaa cad in dakhliga soo gala loo kala qeybsado in 70% ay u soo xerooto dowladda Soomaaliya 30% ay qaadaneyso shirkadda GMO. Sida ku cad barta GMO ee laga maamulo furaha internetka Soomaaliya ayaa waxaa illaa hadda la iibiyay domain tiradiisa ay kor u dhaaftay nus milyan doolar.
Waxaa xusid mudan in dhowaan sicirka domainka Soomaalida sare loo qaaday, isla markaana waxaa laga iibiyaa wasaaradaha dowladda oo qaarkood laga xirtay barahoodii markii ay lacagta iska bixin waayeen, lacagaha soo xerooda oo dhan oo lagu qiyaasayo in ka badan 40 Milyan oo doolar waxaa intooda badan qaata ninka la raadinayo hadda ee ahaa wasiirkii hore ee
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maxamed Adden Ibraahim oo ah nin la dhashay xildhibaan C/raxmaan Ibbi.
Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta hadda Guuleed Xuseen Qaasim ayaa soo nooleeyay dooda hantida qaran ee maqan, waxaana laga cabsi qabaa in Maxamed Adden Ibraahim uu xiriir la leeyahay madaxda dowladda qaarkeed, taasoo dadaalka wasiir Guuleed ka dhigi doonta mid aan shaqeynin.
Dacwada wasiirku qoray waxaa ka mida
- In Gal Dacweed uu ka furo Xeer Ilaaliyaha Qaranka ku saabsan eeddan ku socoto Wasiir Maxamed Adden Ibraahim in uu la baxsaday hantida oo ay ku jirto miisaaniyaddii kasoo xarootey iibka sumadda Qaranka laga bilaabo heshiiskii dhexmaray dawladda iyo shirkadda GMO oo ahaa in dawladdu leedahay 70% waxa kasoo gala iibinta sumadda
- In Wasaarada Arimaha Dibbeda ay la xiriirto Dawlada Australia si loo calaamadeeyo baasboorka dhalashada Australia ee Wasiir Maxamed Aaden lbrahim maadaama uu la baxsaday hanti
HOOS KA AKHRI QORAALKA WASIIRKA BOOSTADA IYO ISGAARSIINTA KU DALBADAY DACWAD LAGU SOO OOGO WASIIRKII HORE
KA FURO HALKAN
[pdf-embedder url=”https://wadani.com/wp-content/uploads/2016/01/WasiirlabaxsadeyHantiQaran.pdf”]
Fadeexada hantidan Qaran ee lala baxsaday oo qormooyin dhowr ah aanu ka diyaarinay la soco qormada 2-aad oo ka hadleysa heshiiska lagu bixiyay furaha Interneka Soomaaliya
LA SOCO QEYBTA KALE DHOWAAN…..
Wadani.com