Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd shaacisay kiisas cusub oo Coronavirus ah in laga helay dalka, kadib natiijo kasoo baxday baaritaan lagu sameeyay.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in laba qof oo kale laga helay cudurka Covid-19, kadib markii ay soo baxday baaritaankii laga qaaday inay sidaan coronavirus, waxayna dadka laga helay kala yihiin qof muwaadin Somali ah iyo qof kale oo ajnabi ah.
Wasiirka Caadimaadka Fowsiya Abiikar ayaa qoraal ay soo dirtay ku tiri: “Waxaa soo kordhay laba (2) xaalad ee COVID 19. Qof waa muwaadin soomaali ah iyo qof shaqaale UN ka ee Xalane; Tirada guud ee la xaqiijiyay waa 7”
Tirada guud ee dadka laga helay coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa hadda gaareysa 7 qof, waxaana hore uga bogsooday Hal qof.