Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in Gaas halis ah laga isticmaalayay dalka Soomaaliya muddo 7 sanadood ah.
Shir ay ka qeyb galeen wakiilo ka socday 7 Wasaaradood oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta laga sheegay in Gaaskan adduunku u asteeyay in laga mamnuuco sanadka 2020.
Agaasimaha dhinaca Bii’ada ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha C/risaaq Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay soo ogaadeen Gaaskan in si weyn looga adeegsado dalka, iyagoo tegay garoonka diyaaradaha, dekadda iyo xarumaha ganacsiga.
Shirka looga hadlay dhibaatada Gaaskan u leeyahay cimilada iyo caafimaadka dadka ee maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ujeedkiisu ahaa wacyi gelin iyo dadaal ay dunidu ugu jirto in Gaaskaas isticmaalkiisa la joojiyo.
Wadani.com