Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in weerar duqeyn cirka ah lagu burburiyay xaruntii Qaraxyada Alshabaab ku lahaayeen ku lahaayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda Soomaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa saaxiibada ay howlgallo ka fuliyeen Gobollada Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoos iyo Jubbooyinka ayna jiraan Khasaaro loo geystay maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay qeybo ka mid ah Goboladaasi.
“Howlgallada waxaa garab socda weeraro qorsheysan oo ay fulinayeen hay’adaha amniga, waxaana labo weerar oo gaar ah laga fuliyay degmada Jilib gaar ahaan xarunta qaraxyada, waxaana weeraro loo adeedsaday miinooyin la geliyay xarumahaas, kadibna la qarxiyay, waxaana ka dhashay qasaaro xoog leh,sida ay noo sheegeen Hay’addaha Ammaanka waxaa halkaas lagu dilay 81 maleeshiyo, waxaa kaloo jirtay in jidka loo galay gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyaadka Al-Shabaab kuwaasi oo doonayay inay falal argagixiso ka geystaan Gobolka Gedo” ayuu yiri wasiir Yariisow.
Wuxuu kaloo sheegay in weerarradaasi lagu burburay Agab badan oo Qaraxyada laga sameeyo, sida TNT, RDX, Potasium Nitrate, sodium nitrate iyo sawaariiq lagu qiyaasay ilaa Laba ton iyo Hub kale oo ay ku jireen Gaadiidka dagaalka, macluumaadka la helay ayaa muujinaya in Jab xooggan ay ku naqdeen weerarraas Al-shabaab lagu qaadey.