Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aan ay kasoo saartay dagaalka ka socda Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kadib markii ay la noqotay qoraal ay soo saartay.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xalay soo saartay mowqif isku dhex jira oo ay ka qaadatay dagaalka Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya, waxayna qoraalkeeda ku sheegtay inay ku baaqeyso in si nabad ah lagu dhammeeyo colaadda, halka ay dhinaca kale caddeysay iay si buuxda u garab taagan tahay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Midnimada dalkaasi.
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa muddo saacad kadib qoraal degdeg ah uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay inaysan jirin go’aan ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay arrinta Tigray, Qoraalka soo baxayna aanu ka tarjumeynin mowqifka dowladda Soomaaliya.
Qoralka Wasaaradda ayaa laga saaray baraha Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda, taasoo u muuqata inuu dowladda Cadaadis uga yimid dowladda Itoobiya, taasoo keentay inay ka laabato go’aankeedii.
Ra’iisl wasaaraha Itoobiya ayaa ka hor yimid dhammaan baaqyadii Beesha caalamka ee ahaa inuu joojiyo dagaalka Tigray oo uu waanwaan xaaladda ku dhammeeyo, isagoo ku adkeystay inuu soo afjarayo dagaalka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaxiib dhow la ah Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, waxayna leeyihiin isbaheysi u gaara.
