Dawladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya Madasha Xisbiyada Qaran.
Qoraal uu saxaafadda u akhriyey Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa lagu sheegay in dowladda Somaaliya ay aad ula yaabtay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Mudane Shariif Sheikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa hadal filan-waa ku noqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaasoo aan uqalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan Astaan Qaranka u soo noqday.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in hadalka Sheekh Shariif aanu aheyn hadal uu ku hadlo qof maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan astaan qaran u soo noqday, waxaana loogu baaqay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in uu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa, kana fakaro wax kasta oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay.