Dowladda Turkiga ayaa ciidamo cusub dirtay dalka yar ee ku yaalla Khaliijka Carbeed ee Qatar, halkaas oo ay ku leeyihiin Saldhig Ciidan.
Wasaaradda Difaaca Qadar ayaa shaacisay in dowladda Turkiga Ciidamo ka socda tageen saldhigga Ciidanka Cirka ee Al-Cudeyd oo ku dhow magaalada Dooxa, waxaana ciidamada cusub la sheegay inay ku biirayaan ciidamadii hore ee halkaasi Turkigu u geeyay.
Heshiiska labada dal ee Turkiga iyo Qatar oo la saxiixay sanadkii 2015 ayaa la dhaqan geliyay June sanadkan 2017 kadib markii ay xayiraad ku soo rogeen isbaaheysi ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Imaaraadka.
SAWIRRO