Waxaa saaka magaalada Nairobi maxkamad lagu soo taagay Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid iyo saddex qof oo kale, kadib markii ciidamada argagixiso la dirirka Kenya ay ka qabteen guryahooda.
Denbiyada lagu soo oogay Dr. Bursaliid iyo saddexda qof ee lala xiray oo ah Kenyaan ayaa lagu sheegay looga shakisan yahay arrimo argagixiso, sidaasina loo qabtay, basle lagu helay arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya iyadoo Dr. Bursaliid loo heysto inuu yahay musharax madaxweyne oo u taagan doorashada Soomaaliya ee 2020-ka.
Xubnaha maxkamadda laso taagay waxay kala yihiin: Ibrahim Qaasim Faarax (Bursaliid), Maxamud Maxamed Bashiir, Cali Cabdi Maxamed and Xuseen Xassan Muxammud, iyadoo laga qabtay arbacadiid degaanka Muguga ee xaafadda Kiambu.
Dr. Ibrahim Bursalid waxaa gurigiisa ka qabtay ciidamada Booliska ee qaabilsan argagixiso ladirirka, waxaana saaka la hor keenay maxkamadda Makamadda Milimani, waxayna denbi baarayaasha dalbadeen inay sii xirnaadaan 4 maalmood si baaritaanka ku socda loo dhammeystiro.
Waxa demni looga di=higay in Guriga Dr. Ibraahim Bursaliid laga helay Baasaboor Jabuutiyaan ah warqadaha Guddiga doorashada, Afar taleefoon, Kaarka Aqoonsiga qaxootiga ee Alien-ka iyo Copy-ga laba Kibandha.
Dembi baarayaasha Kenya ayaa sheegay in afartan qof ay ku lug yeesheen howlo qarsoon oo ku saabsan doorashada Somaaliya, si ay uga faa’iedeysteen dhinacyo kale oo weli la raadinayo.