Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa is barbardhig ku sameeyay falkii Alshabaab ku qarxiyeen Masjidka Daaru-nimca ee Degmada Ruun-Nirgood, Gobolka Sh/Dhexe iyo falkii Nin asalkiisu yahay Ciraaqi ku gubay kitaabka Quraa’nka kariimka oo ka dhacay dalka Sweden.
Qoraal kooban ayuu labadan dhacdo uga fal celiyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, isagoo is weydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin falalka ay ku kaceen Alshabaab iyo Ninka Reer Ciraaq ee Dabka qabadsiiyay Qur’aanka.
“Maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa waxaa magaalada Stockholm ee Dalka Sweden Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah dab ku qabadsiiyey Nin gaal ah oo asalkiisu yahay Ciraaq, isagoo la hortegay masjidka Magaaladaas. Maalintii sadexaad ee Ciidul Adxaa, Khawaarijta Al-Shabaab ayaa dab qabad siiyey Masjidka deegaanka Daaru-Nicma ee Gobolka SH/Dhexe iyo Kitaabadii Qur’aanka ee ku dhex jiray. Haddaba aan is-weydiinee maxay ku kala duwan yihiin labadaas dhacdo?” ayuu qoraalkiisa ku yiri Siyaasiga Muungaab.
Wuxuu farriin u diray dadka weli taageersan Alshabaab, isagoo qoraalkiisa ku yiri: “Qof waliba oo is-moodsiinayay in Khawaarijta Al-Shabaab ay Diin wadaan iyo Kuwa laga yaabo in ay weli taageero dhaqaale siinayaan Khawaarijta Al – shabaab haku quus qaateen!”