Waxaa saaka Magaalada Muqdisho ku geeriyootay Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo caan ku ahayd arrimaha samafalka, kana mid ahayd dhaqaatiirta dalka.
Allaha u naxariistee Xaawo Cabdi ayaa ahayd 73 sano jir, iyadoo qeyb weyn kasoo qaadatay u gargaarida dadka Soomaaliyeed xilliyadii dhibaatada dalka ka jirtay, waxayna isbitaal ku lahayd duleedka magaalada Muqdisho.
Geerida marxuumad Xaawo Cabdi waxaa ka hadaly oo tacsi u diray ehelkeeda mas’uuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mursal Maxamed Sheekh, siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo mas’uuliyiin fara badan.