Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Dunida oo Jawaabo culus ka bixisay Go’aankii Madaxweyne Trump ee Qudus u aqoonsaday caasimadda Yuhuudda [Akhriso]

    Dunida oo Jawaabo culus ka bixisay Go’aankii Madaxweyne Trump ee Qudus u aqoonsaday caasimadda Yuhuudda [Akhriso]

    December 7, 20173 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxda caalamka ayaa si weyn uga fal celiyay go’aankii uu soo saaray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa inuu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Yuhuudda.

    Go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu tilmaamay mid mas’uuliyad darro ah oo xaaldda uga sii daraya, isla markaana xasilooni darro ka abuuraya Bariga Dhexe, iyadoo uu burburinayo aragtii ahayd in laba dal oo Isra’el iyo Falastiin ah ay jiraan.

    Xoghayaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay Antonio Guterras, ayaa sheegay in aysan jirin wax lagu beddelo xal u raadinta Israa’il iyo Falastiin, waxa uuna ku tilmaamay mowqifka Mareykanku mid murugo leh.

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo booqasho ku jooga dalka Aljeria ayaa isna ku tilmaamay hadalka Trump wax laga xumaado oo halistiisa leh, waxa uuna ku baaqay dadaalo nabadeed iyo in laga fogaado rabshado.

    Wasiirka arrimaha dibadda Turkigha Mevlut Cavusoglu ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabada Trump ay tahay mid mas’uuliyad darro ah oo burburisay dhammaan qaraaradii Q/Midoobay iyo Golaha Ammaanka.

    Dowladda Sacuudiga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in go’aanka uu qaatay Donald Trump uu yahay mid aan la aqbali karin oo mas’uuliyad darro salka ku haya.

    Hoggaamiyaha Iiraan Ayatullah Khumeyni ayaa sheegay waxa uu ku kacay Madaxweynaha Mareykanka  ay tahay sharci darro iyo gacan siin Sahyuuniyadda si ay u dhacdo dhulka Falastiin, isla markaana aan la aqabali karin.

    Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in tallaabada madaxweyne Trump ay tajay mid geesinimo leh oo taariikhi ah, wuxuuna dalalka kale ee caalamka ugu baaqay inay sidaas oo kale sameeyaan.

    Madaxweynaha Falastiin Maxmuud Cabbaas ayaa khudbad uu jeediyay go’aankii Trump kadib wuxuu sheegay in tallaabadan ay Mareykanka ka dhigeyso mid la safaan Isra’el, isgoo ka baxay kaalintii dhexdhexaadnimada, wuxuuna caddeeyay in Qudus ay tahay caasimadda Falastiin weligeedna ahaan doonto.

    Dowladda Qatar ayaa go’aanka Madaxweyne Trump ku tilmaamntay mid mas’uuliyadda darro ah oo aan sharci ahayn, wax weyna u dhimanaya dadaalkii nabadda Bariga Dhexe.

    Baadariga Kaniisada Katooliga Pope Francis ayaa sheegay inuusan ka aamusi karin walaaca weyn ee uu ka qabo xaaladda soo korortay, wuxuuna ku baaqay in la dhowro jiritanka magaalada Qudus ee saddexda diimood u dhaxeysa.

    Midowga Yurub, Shiinaha iyo Russia ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin  tallaabada uu qaadaya madaxweynaha, waxaana 8 ka mida dalalka Golaha ammaanka ay ku baaqeen shir degdeg oo golaha ammaanka arrintan ka yeesho.

    Bannaanbaxyo waaweyn ayaa xalay ka dhacay dhulka Falastiin Turkiga, Jordan iyo dalal kale oo dhowr ah iyadoo la gubay sawirrada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaana la filayaa in xaaladda ay kasii darto.

    Dalka Turkiga, dibadbaxayaal ayaa isugu tagay banaanka hore ee safaarada Mareykanku ku leeyahay magaalada Istanbuul. Dhulka Falastiin ayaa sidoo kale bannaanbaxyo ka socdaan iyadoo dalka Urdun ay isla xalay ka bilowdeen dibadbaxyada.

     

    Dunida Qudus Trump US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay in Qudus ay tahay Caasimadda Yuhuudda
    Next Article Haweeneydii ugu horeysay oo Heesaa ka noqota Dhulka Soomaalida oo Geeriyootay

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo