Duqa magaalada Bosaaso Cabdiqani axmed Ismaciil Deera-dile ayaa hada ka hadlay xaaladda Magaalada Boosaaso, isagoo sheegay in koox amardiido wada ay dagaal ka bilaabeen magaalada.
Kooxdan Amard-diidka wada ee uu madaxda u yahay Maxamuud C/llaahi Diyaano ayuu sheegay inay diideen dhammaan waanwaanti la waday, haddana ay bilaabeen dagaal ay magaalada Hoobiyeyaal ku rideen, isla markaana ay dooanayaan inay dadka ka qaxiyaan magaalada iyagoo dhinacyo kale u adeeganaya.
Duqa Boosaaso ayaa sheegay in dowladda ay muddo bil ah ka war sugeysay sidii nabad arrinta loogu dhammeyn lahaa, laakiin dulqaadkii uu ka dhammaday oo tallaabo sharci ah ay ka qaadi doonto ciidamada amardiidka wada ee uu sheegay inay ku jiraaa hal dhisme.
Kooxdan ayuu ku eedeeyay inay gacmo badan oo shisheeye ku jiraan oo doonaya in Puntland la waxyeeleeyo, wuxuuna dhibaatadda magaalada ka jirta mas’uuliyadeeda dusha ka saaray Maxamuud C/llaahi Diyaano -Taliyihii xilka laga qaaday ee ciidamada PSF.-
Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa kacsan iyadoo weli rasaas ka socoto xaafadda Ridwaan ee labada ciidan isku hor fadhiyaan, waxayna ciidamada PSF ee taabacsan Maxamuud Diyaano soo bandhigeen Gaari kuwa dagaalka ah oo ay ka qabsadeen ciidamada Puntland.
