Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay waxyeellada ay geysteen duqeymo ay geysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo dad shacab ah oo waxyeello kasoo gaartay gobolka Sh/hoose.
Duqeynta xalay oo ahaa kuwii ugu badnaa ee hal mar ay qaadaan diyaaradaha Mareykanka ayaa ka dhacay degaanada Kuunya Barrrow, Dacaaraha iyo Janaale iyo Awdhgeele, wuxuuna guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose Maxamed Ibraahim Barre sheegay in ilaa 100 ka tirsan maleeshiyada Alshabaab.
Dhinaca Alshabaab ayaa baahisay duqeyntiii ka dhacday degaanka Kunya-Barrow, halkaasoo ay ku dhinteen canug yar oo 20 maalmood jirya iyo Macallin dugsi Qur’aan oo muuqaalladooda lasoo bandhigay.
SAWIRRO







