Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxday weerar duqeyn ah oo shalay ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, kaasoo lagu dilay xubno ka mida Alshabaab.
War kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka uu Taliska Mareykanka ee Afrika qaaday weerar is-difaac ah oo wadajir, kaasoo laga fuliyay degaanka Wayaanta oo 60 KM u jirta Kismaayo, 1-dii June.
“Qiimeynta hordhaca ah ayaa ah in duqeynta oo qiyaastii 60 KM dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo lagu dilay saddex dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab”.” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska AFRICOM.
“AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon. Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan unugyada ku lug lahaa howlgalka iyo agabka la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo amniga hawlgallada,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Kumandoosta Danab oo kaashanaya saaxiibadda caalamiga ah ay weerar qorsheysan la beegsadeen kooxda Khawaarijta Alshabaab oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.