Duqeyn ayaa maanta ka socota mgaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo toddobaadkii labaad uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa degaankaasi ee ka amar qaata odayaasha dhaqanka iyo Garaadadda.
Iyadoo xabbad joojin la hadal hayey maalmahan ayaa saaka waxaa duqeyn culus lla beegsaday magaalada Laascaanood, waxaana dadka ku haray magaalada ay sheegeen in inay madaafiicdu socotay intii lagu jiray Salaadii Jimcaha.
Duqeynta oo Jimcihii saaka bilaabatay ayaa goosgoos ahayd, waxaana ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burburka dhismooyinka, waxaana dadka ku dhintay madaafiicda ka mida marxuum Mustaf Xuseen Bulaale.
Garaad Mukhtaar Garaad Ali oo ka mida Garaadadda Laascaano ayaa sheegay in magaalada ay well ku socdaan duqeymihii, isagoo is weydiiyay turaalka uu Madaxweynaha Somaliland sheegay. “Ma laha waa runtii oo Muuse wuu noo arxamay, maadama oo aanu diyaarado naguma duqeyn weli, laakiin nasiibdarro waanu haysan ee si kasta wuu u duqeyn lahaa Laascaanood” ayuu yiri Garaadka.
Dhinaca kale Garaadadda Laascaano ayaa dalbaday in Somaliland ay ciidamadeeda kala baxdo duleedka iyo agagaarka magaalada Laascaanood, si wadahadal nabad loo furo.
