Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in weerarro duqeyn ah ay ka dhaceeno degaano u dhaxeeya xuduudka labada Gobol ee Sh/Dhexe iyo Galgaduud.
Diyaaradaha Drone-ka ayaa la sheegay inay saakay aroortii duqeeyeen saldhig kooxda Al-shabaab ku lahaayeen degaanka abi Aw-Xassan oo u dhaxeeya Hilowle Gaab iyo Ceel Bacad oo hoos taga degmada Ruun Nirgood.
Deegaanka la duqeeyay ayaa ah Dhul howd ah oo u dhexeeya gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, waxayna warbaahinta dowladda sheegtay in qasaare weyn lagu gaarsiiyay Alshabaab.
Dowladda Federaalka ayaa shaaciay in ku dhowaad 10 Gaari oo ay ku jireen kuwa xamuulka ee BG, gaari UD, iyo afar Cabdibille oo ay saarnaayeen maleeshiyaad Khawaarij ah lagu bur-buriyay howlgalka. Sidoo kale saldhig ay ku sugnaayeen maleeshiyaadkha Alshabaab in howlgal bur-burin ah lagu sameeyay.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in howlgal sifeyn ah uu ka socdo degaanada u dhexeeya gobolada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud si gaar ah aagga Daaru-nimca.