Howlgal Duqeyn ah oo ay qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibbadooda caalamiga (US, Turkey) ayaa saaka ka dhacay xarun la sheegay in Alshabaab ku lahaayeen degaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo, Gobolka Hiiraan.
Duqeyntan waxaa lagu beegsaday Garaash weyn oo Alshabaab ku lahaayeen degaankaasi oo la sheegay inay ku diyaarinayaan Qaraxyo ay doonayeen inay weerarro ku qaadeen ciidamada.
Duqeynta ayaa lagu burburiyay Afar Gaari oo ay Alshabaab ku rakibeen waxyaabaha Qarxa, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Taliska Ciidamada dowladda.
Goobta la duqeeeyay ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo waaweyn, iyadoo la sheegay inay ku halaagsameen Malleeshiyaad ka mida kuwa loo yaqaan is-miidaamiyeyaasha iyo gaadiidkii lagu diyaarinayey.
Qasaaraha ayaan tiro ahaan lasoo bandhigin, iyadoo la qiimeynayo. Duqeyntan ayaa qayb ka ah howlgallada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan saldhigyada Alshabaab.