Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ka baxaya ayaa duqeyn culus ku burburiyay xaruntii ugu weyneyd Idaacadda Al-fuqaan ee taageerta Alshabaab, Gobolka Sh/Hoose.
Idaacaddaasi ayaa qiratay duqeyntaasi lagu fuliyey xarunteedii Sh/Hoose, iyadoo diyaaradaha dagaalka ee Drone-ka ay ilaa far Gantaal la beegsadeen xaruntaasi oo ku taalla Kuunyo Barrow Gobalka shabeelaha Hoose.
Xaruntii Idaacadda Al-furqan ayaa ku burburtay qaraxaas, taasoo laga dhageysan jiray Gobolka Sh/Hoose, waxayna Alshabaab shaacisay inay ka badbaadeen shaqaalihii xarunta ku sugnaa, balse ay waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah.
Idaacaddan oo ka mid ahayd idaacadihii magaalada Muqdisho laga hirgeliyey ayaa markii dambe isa bedeshay idaacad taageerta Alshabaab, iyadoo ka howlgasha degaanada ay Alshabaab ka taliso.
