Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamda Mareykanka ay ka fuliyeen duqeyn cirka ah oo ka dhacday degaanka Bangeeni oo u dhexeeya Jamaame iyo Koban.
Dawladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay dhowaan soo saartay ku sheegtay in duqayntaas lagu dilay saddex ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Duqyantan ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Al-Shabaab oo aysan waxba ku noqonin dad rayid ah.
Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayntan la fuliyey iyadoo iskaashi lala sameeyey ciidamada Maraykanka., iyadoo aanay qasaare kasoo gaarin dad shacab ah.
Waa duqayntii saddexaad ee Maraykanku uu ka gaysto Soomaaliya sannadkan cusub gudihiis. Duqeyntan aya dhacday shalay 19-kii Janaayo.