Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi oo ka sheekeeyey Qisooyin kala qabsaday Wasiir & ilaaladiisii Gaarka ahayd [Akhriso]

    Duqii hore ee Muqdisho Taabit Cabdi oo ka sheekeeyey Qisooyin kala qabsaday Wasiir & ilaaladiisii Gaarka ahayd [Akhriso]

    March 10, 2018Updated:March 10, 20183 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo xalay hadal u jeedinayay boqolaal Soomaali ah oo ku nool magaalada Gothenburg ee wadanka Sweden ayaa sheegay in shacabka Soomaalidu ay u baahan yihiin madax aan ka dhuuman oo toos ula falgasha.

    Taabit Cabdi ayaa toosh ku ifiyay in madaxda qaar ay doonayaan ineysan wajihin shacabka iyo waaqica jira intaba taas oo uu sheegay inaan lagu heli karin xasilooni iyo aaminaad shacab.

    Wuxuu soo qaatay qisooyin dhex maray intii uu xafiiska joogay isaga iyo mid ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada Somalia oo uusan magacaabin, Wuxuu kaloo ka sheekeeyay sida ay ilaaladiisu u arki jireen mar walba oo uu shacabka toos u dhex galo.

    “Mudanayaal iyo marwooyin ,xaqiiqdii waxaan rabaa inaad ogaataan shacabka Soomaaliyeed waa dad la maamuli karo ,waxey rabaan madax u diyaar ah iney wax maamulaan, waxey rabaan madax kalsooni galisa oo aan baabuur qafilan isku xirin oo aan hoteelada ku dhuuman, waxey rabaan madax ay ka muuqato iney diyaar u yihiin iney naftooda u huraan”

    “Waxaan xasuustaa intii aan xafiiska joogay Xamar waxyaabo badan ayaa ka dhacay oo ay qasab aheyd in shacabka la wajaho oo aan laga dhuuman , tusaale dhalinyarada ku shaqeysata gaadiidka Bajaajta ayaa waxaa dhibay ciidanka amniga, waa dul qaadan waayeen kadib magaaladii oo dhanbey xireen aadbeyna u badan yihiin dadka bajaajta ku shaqeysta ,markii magaaladii kala xirantay oo qofna uu udhaqaqi waayay ayaan go’aansaday inaad u tago oo aan la hadlo, waa 3 kun ilaa 4 kun oo dhalinyaro ah ,waa isgoyska KM4 ,halmarbey soo yaaceen oo dhexda igaliyeen ,waxaan qaatay cod baahiye waxaan ku iri wax walba oo aad rabtaan wa la idiin sameynaya ee rabashada joojiyay ,ciidanka ayaan la hadlay waxaan ku iri haloo fasaxo wadooyinka ay mari jireen dhibkana halaga dhaafo Bajaajleyda, mudaharaadkii wuxuu isku badalay farxad iyo sawiro, habeenkii ayaa waxaa isoo wacay nin Wasiir ah oo aan saaxiib nahay wuxuu igu yiri maanta waxaad ku sigatay in laguu dilo sidii Benazir Bhutto Ra’iisul wasaarihii Pakistan oo 2007 –dii la toogtay iyadoo shacab ku dhex jirtay, wuxuu igu yiri tooreeyay ayaa laguugu dili karay ee mar dambe dadkaan ha isku aaminin, waxaan ku iri geeridu waqti ayey leedahay laakiin waxaa muhiim ah in dadku ay dareemaan iney heystaan madax rabta iney u dhimato,

    “Waxaan kaloo xasuustaa banaanbixii looga soo horjeeday Qaraxii Zoobe ee ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Koonis, Aniga iyo shacabku waxaan kasoo lugeynay Koonis oo waxaan socod ku nimid Zoobe , mararka qaar waxaa dhaceysay in dhalinyaradu garbaha igu qaataan, waa kumanaan dhalinyaro ah oo aaney wax ilaalo ah noo dhaxeyn, Markii uu banaanbixii soo dhamaaday ayaa habeenkii xili dambe waxaa ii yimid wiil ilaaladeyda ka mid ahaa wuxuu igu yiri gudoomiye waxaan ka baqaya inaan Amnigaada ku guul dareysano maxaa yeelay shacabka lagaama celin karo adna ma rabtid inaad ka dhuumato, waxaan ku iri aniga shacabka ayaa ileh amniguna wuxuu ku jiraa inaan ku dhowaado ee kuma jiro inaan ka dhuunto, madaxda hada xilalka heysa waxaan lee yahay shacabka ku dhowaada oo kalsooni galiya sidaas ayaa lagu heli karaa Amni iyo Wadashqeyn.

    Taabit ayaa sidoo kale ka hadlay jidadka maalmihii dambe ay Dowladdu xirtay bilaa qorshe oo ay hadana iska furtay bilaa cudur daar waxaana uu sheegay in muwaadiniinta Muqdisho aaney xaq u laheyn iney ku waabariistaan wado xiran oo sidii Webi la isaga kala gooshaayo.

    Cabdulaahi Cismaan Faarax

    G/Banaadir Muqdisho Qiso Taabit Taabit
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Madaxweyne Farmaajo oo Digniin u diray Shirkadaha iyo Dalalka ku xadgudbaya Qaranimada Soomaaliya
    Next Article XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Wafdigii ugu ballaaranaa ugu hoggaaminaya dalka Qatar

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo