Wasaaradda Gaadiidka dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in duulimaadyadii tegi jiray magaalada Muqdisho gebi ahaan la joojiyay.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulimaadyada Cali Axmed Jaamac Jangeli ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay joojisay dhamaan duulimaadyada Magaalada Muqdisho maalinta ay doorashadu dhaceyso.
Xayiraadda la saaray duulimaayada ayaa soconeysa maalinta Arbacada oo ay doorashada madaxweynaha dhici doonto waxaana lagu wargeliyay shirkadaha diyaaradaha.
Dhinaca kale midow ay leeyihiin shirkadaha Qaadka keena ayaa sheegay inay joojin doonaan Qaadka ay keeni jireen magaalada Muqdisho, laakiin laba shirkadood oo kale ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Qaadka.
Magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaan xiran laga bilaabo caawa, waxaana la joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka iyadoo lagu daray gaadiidka hawada ee imaan jiray garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.
Wadani.com