Waxaa maanta dib u bilowday duulimaadyadii diyaaradaha ee tooska ugu kala gooshi jiray dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kadib muddo ka badan bil ka badan oo uu xayirnaa.
Diyaaradaha labada ayaa si toos ah shaqadii u bilaabay, iyadoo maanta ay ilaa 4 diyaaradoo ka imaanayaan magaalada Muqdisho, kadibna dib ugu laabanayaan Nairobi.
Arrintaan ayaa ka dambaysay kaddib markii 10-kii bishan June ay dowladda Kenya shaacisay inay qaaday xayiraaddii ay bishii May kusoo rogtay duulimaadyadii diyaaradaha ee Soomaaliya.
Dad badan ayaa dhibaato xoog leh ku qabay socdaalka Kenya oo loo sii mari jiray Itoobiya, iyadoo qiimaha lagu raaco diyaaradaha uu gaaray saddex laab, waqtiguna uu noqday 8 sacadood ama in habeen lagu soo dhaxo magaalada Adis ababa.
