Askari Sacuudiga u dhashay oo duuliyenimo loogu tababarrayey dalka Mareykanka ayaa geystay weerar uu ku dilay saddex qof oo Mareykan ah, isagoo dhaawacay 8 kale intii aan isaga la toogan.
Askarigan oo lagu magacaabo Mohammed Sciid Alshamrani ayaa rasaas ku furay dadkii ku sugnaa saldhigga ciidamada cirka ee magaalada Pensacola, Gobolka Florida; waxaana uu diray farriiin intii aanu geysanweerarka, isagoo ku yiri: “Anigu inaad Mareykan tihiin idinkagama soo horjeedi, mana necbi xoriyadda aad heysataan. Waxaan idinku karaahsaday waxaad maalin waliba taageertaan oo maalgelisaan dembiyada aan ka gashaan muslimiinta oo kaliya maahee ban’aadamnka oo dhan..”
Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis ayaa degdeg telefooon ugu diray Madaxweynaha Mareykanka, wuxuuna cambaareeyay weeraka ee ka dhacay xarun ay ciidamada Cirka Mareykanku leeyihiin, waxaana farriintiisa shaaciyey Madaxweyne Trump oo bartiisa Twitter-ka ku qoray in boqorka uu telefoonka ka wacay si uu “si daacadnimo ah uga tacsiyeeyo”.

Weerarka kadib waxaa la xiray lix qof oo Sacuudi ah oo halkaas ku sugnaa, waxaana su’aalo la weydiiyey askartii kale ee Sacuudiga halkaasi loogu tababarray, iyadoo baaritaan ku socdo.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Sacuudiga uu marayo xaalad adag, isla markaana aan weli la xirin kiiskii dilka saxafigii Sacuudiyaank ahaa ee Jamal Kashogi, oo dhaliyey inuu xumaado xiriirka Sacuudiga iyo Koongareeska Mareykanka.
