Iyadoo ay sii kordheyso xiisadda diblomaasiyadeed ee Turkiga iyo Mareykanka ayuu madaxweynaha Turkiga ku dhawaaqay inaysan dowladiisa aqoosaneyn Safiirka Mareykanka u fadhiga Turkiga.
Recep Tayyip Erdogan oo ku sugan dalka Serbia ayaa sheegay in Safiirka Mareykanka u jooga Ankara John Bass aanu metelin dalkiisa.”Aniga iyo wasiiradeyda uma heysano inuu safiirku metelo dalkiisa” ayuu yiri Erdogan. oo sii raaciyay inaysan d.
“Haddii safiirku yahay kan joojiyay bixinta Visaha, waa inuu xilkiisa ka tagaa, diyaar una nihin inaan qaabilno safiirka Mareykanka ee Ankara, dhammaan mas’uuliyiinta Turkiguna waxay qaadici doonaan inay wax kulan ah la yeeshaan”ayuu si kulu u yiri xilli Erdogan oo shir jaraa’id ay wada qabteen madaxweynaha Serbia.
Wuxuu sheegay in dal-kugalka Mareykanka iyo Turkiga ay joojiyeen inay bixiyaan ay tahay arrin uu dhaliyay Mareykanka, mas’uulna ka yahay wixii ka yimada.
Xiisadda labada dal ee Mareykanka iyo Turkiga ayaa timid markii Axadii 8-da Bishan ay safaaradda Mareykanka ee Turkiga ay joojisay bixinta dal-ku-galka Mareykanka, waxayna arrinta ka sii dartay markii Turkiga uu xayiray shaqaale ka tirsan Qunsuliyadda Mareykanka ee Istanbul Sabtidii, iasgoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay wadaadka Fatxullah Gulen oo Turkigu ku eedeeyo inuu ka danbeeyay inqilaabkii dhicisoobay ee Turkiga.
Safiirka Mareykanka ee Turkiga John ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee dalkiisa u fadhin doona dalka Afghanistan isagoo dhameysanaya waqtigiisa oo muddo yar ay ka harsan tahay.