Duuliyihii waday diyaaradii Ethiopian Airlines Boeing 737 Max 8 ee ku burburtay duleedka magaalada Adis Ababa ayaa la shaaciyey in ereyadii ugu danbeeyay ee uu hooyadiis ku yiri intii aanu kasoo duulin magaalada Addis ababa.
“Waxaan u soo laabanaya gurigeena Nairobi, waxaan ku iloobay telefoonkeygii..” ayuu hooyadii ku yiri duuliye Yared Mulugeta oo hooyadii la hadlay intii aanu diyaaradda dhacday kasoo duulin garoonka Bole ee magaalada Addis ababa.
Duuliyaha oo lagu magacaabi jiray Yared Mulugeta Gatechew ayaa 29 sano jir heysta khibrad duulimaad oo ka badan 8000 oo saacadood, wuxuuna heystay dhalashada Kenya iyo Itoobiya, waxaana salaad janaaso ah oo maqnaasho ah loogu sameeyay magaaada Mombasa oo Boqollaal ruux oo Muslim ah ayaa janaaso ku tukadeen Yared Mulugeta Gatechew.
Janaasadda ayaa ka dhacday fiidnimadii Talaadada masaajidka caanka ah ee Baluch ee ku yaalla magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya. In janaaso qaa’ib ah la tukado waxay tilmaamaysaa in qoyska duuliye sare Yared aysan filayn inay helaan maydka wiilkooda.


HOOS KA DAAWO WARBIXINTA