Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo Odayasha dhaqanka magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta si wadajir ah garoonka diyaaradaha magaalada ugu soo dhoweeyay ergada degmada Ceeldheer ku meteleysa shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug.
Nabadoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo hoggaaminayay ergada maanta soo gaartay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay guddiga dib-u-heshiisiinta, Madaxda Galmudug, dowladda federaalka iyo dhamaan inta gacanta ka geysatay dadaallada dib-u-dhiska Galmudug.
Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa uga mahadceliyay ergada Ceeldheer aqbalaadda casuumaadii ay u fidiyeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan.
Inta badan ergada ka qeyb galeysa shirka Dhuusamareeb ayaa laga daad gureynayaa magaalada Muqdisho, iyadoo weli aan la shaacin xilliga rasmiga ah ee uu furmayo shirkaasi.





