Ergada ka qeyb galaysa shirka maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa goor dhow cod ay u qaaday xarunta maamul goboleedka labada gobol waxay isku raaceen inay caasimaddu maamulkaasi noqoto Magaalada Jowhar.
Saddexdii maalmood ee ugu dambeysay ayaa ergo ka socota beelaha labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa ay ka doodayeen dastuurka maamul goboleedka uu yeelanayo.
Qodobka 4aad ee cutubka 1aad ee qabyo qoraalka Dastuurka loo qeybiyay ergada ayaa waxaa ku qoran Magaalo madaxda iyo xarunta DGH&SHDH waxaana xubinta ugu horeysa ay ka codsanaysaa ergada inay soo buuxiyaan halka ay noqoneyso magaalada madaxda iyadoo u qoran tahay sidan:
1 Magaala Madaxda Dowlad Goboleedka DGH&SHDH waa…………….
Wararka shirka ayaa sheegaya in codka loo qaaday halka ay noqoneyso caasimada ay inta badan ergada shirka u codeeyeen magaalada Jowhar
Wareegto uu hore u soo saaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada madaxda labada gobol loogu magacaabay Buuloburte ayaa lagu burriyay wareegto kale oo laba maalmood ka hor uu soo saaray Xasan Sheekh {Akhri}.
Fadhiyada ergada shirka Jowhar ayaa loo diiday saxaafada madaxa bannaan, waxaana kaliya oo loo ogolaaday Idaacadda iyo talefishinka dowladda.
Wadani.com