Tuesday, May 13, 2025

Ergayga Q/Midoobay iyo Beesha Abgaal oo ku heshiiyay maamul loo sameeyo Sh/dhexe & Hiiraan

Kulan noociisa ah kii ugu horeeyay ayaa maanta dhex maray ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay  iyo xubno isugu jiray Siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad iyo qeybaha bulshada oo metalayay Beelaha Abgaal, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen arrimaha maamul u sameynta gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo xaaladda Gobolka Banaadir.

 

002

Ad

[ad name=”HTML-1″]

Xubnaha kulankan dhinaca beesha u horkacayay waxaa ka mid ahaa:

Laba ka mida ra’iisal wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxayna labada dhinac ka doodeen arrimaha kala ah:

- Advertisement -

1- Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe

2- Maqaamka Caasimadda Muqdisho

Labadan arrimood ayaa muran badan ka taagnaa iyadoo siyaasiyiinta qaarkood ay qabaan in la isku daro saddexda Gobol oo hal maamul ay yeeshaan. Kulanka oo la sheegay inay dalbatay beesha ayaa wararku sheegayaan in sidoo kale looga hadlay dardar gelinta maamulka Hiiran iyo Sh/dhexe iyo qaabka awood qeybsiga beelaha wada dega goboladaasi.

001

- Advertisement -

Ergeyga Q/Midoobay oo hadda noqday mas’uulka ugu sareeya ee ka talo bixiya qaabka federaalka, beelaha Soomaaliyeedna u dacwoodaan ayaa  talo ahaan ku soo jeediyay  in la is raaciyo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo maamul wada dhistaan, isla markaana Gobolka Banaadir uu yeesho maamul gaar ah iyo  maqaam dastuurka lagu qoro.

Q/Midoobay ayaa bixisa kharashka dhismaha maamul goboleedyada, waxaana xubno ka qeyb galay shirkaasi ay Goobjooge.com u sheegeen inay taageero fiican ka heleen Nicholas Kay oo ay bilaabi doonaan abaabulka dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo fadhi ay ka dhigan doonaan Jowhar.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

 

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON