Ergayga xoghaayha Qaramada Middobay u qaabilsan Soomaliyaa Nicholas Kay ayaa si weyn u soo dhoweeyay waanwaanta lagu xallinayo Mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sida dhinacyada mooshinka u ogolaadeen inay xal laga gaaro Mooshinka.
[row][double_paragraph]
[/double_paragraph][double_paragraph] [ad name=”HTML-2″] [/double_paragraph] [/row]
“Waxaan soo dhoweynayaa dadaalka uu wado Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya si ay dhinacyada uga wada-shaqeeyaan in qaab Wadahadal iyo wada-tashi lagu dhammeeyo” ayuu yiri Danjire Kay ugu baaqay dhinacyada arrintani khusayso inay si dhaqso leh hore uga dhaqaajiyaan xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed.
Ergayga Q/Midoobay wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in dowladda Federaalka iyo Hay’adaheeda looga baahan yahay inay xoogga saaraan sidii looga dhabeyn lahaa doorashooyin ka dhaca Soomaaliya Sannadda 2016-ka iyo howlaha hiigsiga cusub.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]