Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Ergeyga Q/Midoobay oo Dalab culus u diray Guddiga khilaafaadka Doorashooyinka [Akhri Qoraalka]

    Ergeyga Q/Midoobay oo Dalab culus u diray Guddiga khilaafaadka Doorashooyinka [Akhri Qoraalka]

    December 16, 20162 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating ayaa qoraal uu soo saaray dalab culus u diray Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka.

    War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating ayaa lagu sheegay in shir ay wakiilada beesha caalamka la yeesheen guddiga madaxa banaan ee xalinta khilaafaadka Doorashooyinka Somalia ay ka dalbadeen inay bixiyaan faahfaahin la xiriirta diiwaanka kuraasta la sheegay in lagu muransan yahay oo ay gudidu soo celisay.

    Warkan ka soo baxay xafiiska Mr. Keating ayaa lagu sheegay in gudiga xalinta khilaafaadka doorashooyinku ay hore beesha caalamka ugu gudbiyeen diiwaan ay ku qoran yihiin 24 xildhibaan oo khilaaf ka taagan yahay doorashadoodii xubinimada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Somalia, hase ahaatee ay gudidu dhawaan si rasmi ah warbaahinta ugu faafisay liiska 11 xildhibaan oo khilaaf ka taagan yahay oo kaliya, taasina ay keentay in wakiilka Qaramada Midobay ee Somalia iyo wadamada beesha caalamka ee daneeya geedi socodka doorashoyinka Somlia ay faahfaahin dheeraad ah uga baahdaan gudiga xalinta khilaafaadka sida ay 24 kii kursi ee ay hore u sheegeen uga soo reebeen 11 kursi oo kaliya.

    Waxaa warsaxafadeedkan lagu sheegay in gudiga looga fadhiyo sharaxaad la xidhiidha jidkii loo maray hadii la xaliyay khilafkii ka taagnaa 13 ka mudane ee aan lagu darin diiwaanka cusub, hadii aan xal loo helin kuraastaasina ay faahfaahin ka bixiyaan sababta ay uga reebeen liiiskan ay dhawaanta soo saaren.

    Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in hadii aan lagu darin kiisaska khilaafku ka taagnaa gaar ahaan kuwii murankoodu aadka u cuslaa ay boqon goynayso guud ahaanba habsami u socodkii doorashada.

    Waxaa warqaddan loo kala diray Madaxwaynaha Dawladda federaalka ah ee Somalia, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha iyo ku xigeenkiisa iyo sidoo kale madaxwayne yaasha maamul goboleedyada Somalia ee kala ah Puntland, Jubaland, Koonfur-galbeed, Gal-mudug iyo Hir-shabeelle.

    AKHRISO QORAALKA

    Doorashada 2016 Guddiga Khilaafaadka Micheal Keating Top UN xildhibaano la laalay
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddiga Khilaafaadka Doorashooyinka & Beesha Caalamka oo dood kulul dhex martay & Dalab adag oo ka yimid Beesha caalamka [Akhriso]
    Next Article Doorashadii xildhibaanada Aqalka hoose ee Beelaha Waqooyi oo la hakiyay [Akhri sababta]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo