Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Key ayaa warbixintiisa xaaladda Soomaaliya ka horjeediyay Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay xalay 14 October 2014. Ergeyga ayaa ka hadlay horumar laga gaaray dagaalka shabaab lagula jiro iyo dhismaha maamul goboleedyada dalku yeelanayo oo uu sheegay inay meel fiican mareyso.
Wuxu Nicholas Kay warbixintiisa ku xusay Soomaaliya ay yeelan doono Khariirad maamul gololeedyada la dhisayo wixii loo gaaro dhammaadka sanadkan wuxuuna xoogga saaray in la dedejiyo maamulka laga dhisayo goboladda dhexe ee Soomaaliya.
Ergeyga Qaramada Midoobay wuxuu warbixintiisa ku xusay in khilaafaad siyaasadeed uu ragaadiyay howlaha dowladda 12-kii bilood ee ugu danbeeyayna laba jeer la is qabtay , wuxuuse u muuqday inuu madaxda dowladda uga digayo khilaafaad cusub oo soo dhexgala xilligan oo ay soo baxayeen calaamado cusub oo khilaaf saadaalinaya.
Digniinta ugu weyn ee Nicholas Key ayaa ahayd mid uu u diray Baarlamaanka Soomaaliya wuxuuna sheegay haddii aanu baarlamaanku ansixin sharciyada horyaalla oo ay ugu muhiimsan yihiin Guddiga Xuduuddaha iyo Federaalka iyo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka inaanay suuragal ahayn in Soomaaliya ku socoto xilliga la doonayo in doorasho laga qabto.
Digniintan ayaan la ogeyn inay madaxda sare ee dowladda waxku qaadan doonaan iyo inay halkii ka sii miisii doonaan isqabadkii iyo danihii gaarka ahaa ee la isku hayay.
Warbixinta Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka akhriso halkan
Goobjooge Info