Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ergooyin cusub ay ku qulqulayaan magaaladaasi oo dib uga furmayo shirkii maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Ergooyin ka yimid magaalada Beledweyne ayaa ku biiray shirka Jowhar oo dib u dhac ku yimid Sabtidii, waxaana wararku sheegayaan in Isniinta maanta uu furmi doona.
Ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi ayaa la wareegay ammaanka magaalada, waxaana si weyn loogu diyaar garoobay shirkaasi oo mas’uuliyiin kala duwan ay ku sii jeedaan maanta.
Dowladda Federaalka iyo IGAD ayaa ku adkeysanaya inay maamul u sameeyeen gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe inta aan la gaarin doorashada 2016 oo waqtigu gabaabsi yahay.
Odayaal dhaqameed ku haray magaalada Beledweyne oo uu ka mid yahay Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa weli diidan maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyagoo ku doodaya arrimo kala goynta Hiiraan.
Wadani.com