Qoraal lagu baahisay Baraha rasmiga ah ee Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa lagu beeniyay war uu shaaciyay Maamulaha guud ee shirkadda Mesfin Tasew oo ku saabsanaa in hawada Somaliya aanay amni ahayn, isla ay joojisay inay maraan Diyaaradheeda u socda dalalka Aasiya.
Wareysiga uu Madaxa Shirkadda Ethiopian Airlines siiyay Laanta BBC-da ee Amxaariga ayaa laga soo xigtay inuu yiri: “Shirkadda waxay go’aankan gaartay, kadib markii ay heli waysay”adeeg duulista hawada” oo amni leh, taasina ay ka waayeen maamulayaasha hawada Soomaaliya”.”
Maamulaha shirkadda Ethiopian Airlines Mesfin Tasew ayaa intaas ku daray in go’aankooda uu salka ku hayo arrintii ka dhacday hawada Soomaaliya bartamihii bishii Febraayo oo la sheegay inay isku sigteen laba diyaaradood oo mid ay shirkadda Ethiopia leedahay, tan kalena shirkadda Qatar Airways.
Dhinaca kale Qoraal kasoo baxay Shirkadda Diyaaradda Ethiopian Airlines ayey ku beenisay wararka sheegaya inay bedeleen khadkii hawada Soomaaliya ee ay isticmaali jireen diyaaradaheeda u duulaya dalalka Aasiya, sababo la xiriira dhacdooyinkii dhowaan ee hawada Soomaaliya.
Shirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda Ethiopian Airlines aysan joojin duullimaadyada hawada Soomaaliya, isla markaana warkaasi uu yahay “mid aan sax ahayn oo marin-habaabin ah” waxayna BBC ka codsatay inay saxdo.
Laanta Af-amxaariga ee BBC-da ayaa ka jawaabtay in Warka ay baahisay uu ku saleysan yahay wareysi ay yeelatay Mesfen Tasew oo ah madaxa shirkadaha diyaaradaha Itoobiya, waxayna mar kale baahisay Wareysiga oo ay ku caddahay warka uu ka sheegay Hawada Soomaaliya.
Wareysiga Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines ayaa u muuqda inuu isu bedelay fadeexad, kadib markii uu la xumaaday maamulka shirkadda oo ku qasbanaaday inuu beeniyo warkii uu shaaciyay agaasimaheeda.