Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»“Ex-Banaadir hala baabi’iyo waa xeelad ku saleysan hala baabi’iyo Beelaha dega”

    “Ex-Banaadir hala baabi’iyo waa xeelad ku saleysan hala baabi’iyo Beelaha dega”

    March 2, 2015Updated:March 2, 20154 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Iyadoo maal-mahaan ay si xowli ah u socdaan kulamo looga arrinsanaayo maamul u sameynta goballada aanan weli sameysan is-maamul-goballed, ayaa waxaa nasiib darro ah, in  goballadii leysku dhihi jiray Ex-banaadir oo kala ah Xamar, gobalka shabellaha dhexe iyo gobalka shabellaha hoose ay noqdaan looma ooyaan, iyadoo ay  su’aal-weyn ka taagan tahay sababta gobalka Sh/hoose  loogu daray is-maamul goballeedka la magac baxay koofur galbeed Soomaaliya ee dhowaan la yagleelay oo ay xaruntiisu tahay Baydhabo, taas oo ay macnaheedu tahay shacabka  degan deegaanka Sheekh Ibraahim Gacal oo Xamar u jira wax ka yar 2-KM wixii galbeed ka xigga waxaa laga xakumaayaa Baydhabo.

    Qaabka Xamar maamul loogu sameynaayo waxaa la yiri,  dib haloo dhigo inta laga dhameystiraayo ” dastuurka-qabyada ah”,  iyadoo sida la qiyaasaayo ay Xamar  ku nool yihiin ugu yaraan 1.5 milyan u dhalatay deeganaada leysku yiraah  Ex- benaadir, halka  1 milyan oo isugu jira  wax ku dhashey iyo kuwo u soo shaqo tagay xamar yihiin,  maadaama ay Xamar tahay   xarunta  dowlada dhexe ee  Federaalka Soomaliyeed.

    [ad name=”HTML-3″]

    Intaas waxaa ka sii xannuun badan, gobalka shabellaha dhexe oo ay hada ku socoto, sheekadii ” Dibiga Cad “,  sheekadii dibiga cad waxay tahay, Libaax ayaa la saaxibey  sedax (3) dibi, mid cad, mid madow iyo mid guduudan, markaasuu maalin maal maalmaha kamid ah,  ayuu kulan gaar ah la yeeshey dibigii guduudney iyo kii madoobey, markaasuu ku yiri labadii dibi, war dibiga cad  habeenkii marka ay caddaddu jirto ayaa caddaantiisa la arkaayaa ee aan naga khaarajiyo dibiga cad, labadii dibi wey ka ogolaadeen  codsigii Libaaxa.

    Muddo kadib ayuu  Libaaxii u yeeray dibigii gududnaay, markaasuu ku yiri, dibiga madow wuu nugul yahay ee aan cuno?, dibigii gududnay wuu ka ogolaaday codsigii  Libaaxa, muddo gaaban ka dib libaaxii wuxuu u yeray dibigii gududney wuxuuna ku yiri, saaxib waan baahanahay mana joogo dibi aanan adiga aheyn oo aan cuno, sidaas awgeed adiga ayaan ku cunaayaa ee ku  raali noqo dibi guduudow, markaasuu ku jawaabay dibi guduud, iska key cun, laakiin  Libaxow ogsoonow waxaad  i  cuntay markii  aan kaa  ogolaaday inaad cunto dibi-cadde.

    Hadda gobalka shabellaha dhexe waxaa la cunay markii Xamar la cakiray, gobalka shabellaha hoosena lagu darey maamulka koofur galbeed ee uu xaruntiisu tahay Baydhabo, dadka ka soo jeeda goballadii  leysku dhihi jiray  Ex-banaadirna ay ka dhiidhiwaayeen tacadiyada lagu sameeyey.

    [ad name=”HTML-2″]

    Haddaba, su’aasha mudan in leys weydiiyo, waxay tahay yaa ka danbeeya dhibaatadaan uu xanuunkeedu ku dhici doono jiilka soo socda ee u dhalan doona goballadii leysku dhihi jiray ex-banaadir?.

    Waxaa loo badinayaa inay  dhibaatadaan ka danbeeyaan seddax (3) kooxood oo kala ah:

    1)  Koox isugu jirta siyaasiin iyo xaasidiin aanan ka soo jeedin ex-banaadir oo aad u dhibsanaaya dhaqanka suuban ee reer ex-banaadir, barwaaqada joogtada ah ee  ex-banaadir iyo deganashahooda dabiiciga ah.

    2) Qaar ka mid ah dowladaha deriska , kuwooda aanan lahayn Bad (sea)  oo raba inay  Badda Soomaaliya  ka  dhistaan dekedo waa weyn  oo ay ka isticmaalaan  goballada Soomaaliya sida gobalka Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe, gaar ahaan Marka iyo Cadale iwm.

    3) Siiyaasiin uu derejo jeceyl ka qaaday damiirkii dadnimo oo daacad u ah dowladaha aanan Soomaaliya la rabin inay noqoto dowlad xoog leh, balse doonaaya inay  Somaaliya weligeed ahaato dowlad diciif ah.

    Ugu danbeyntii,   dadka ka soo jeeda deegaanadaan uu dulmigu ku socdo, waa inay ogaadaan inay xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan masiirka deegaanadooda oo aysan ku qasbaneyn inay masiirkooda u daba-fadhiistaan siyaasiin ku xiran  dowlado shisheeye, sidoo kale waxayna ku qasbaneyn inay masiirkooda u daba-fadhiistaan siyaasiin sheekhu-kuli ah oo raba inay ku gaaraan dana siyaasadeed oo aan dhammaad lahayn.

    Sidoo kale, jaaliyadaha ka soo jeeda deegaanadaan uu ku socdo dulmigaan iyo bah-dilka waa in ay ka dhiidhiyaan oo ay baaqyo is daba joog ah u kala diraan madaxda dalka ugu sarreysa  sida madaxweynaha DFS,  guddoomiyaha baarlamaanka FS, Ra’iisul Wasaaraha DFS iyo beesha caalamka qeybaheeda kala duwan.

    Ex-banaadir hala baabi’iyo waa xeelad ku saleysan hala baabi’iyo beelaha dega ex-banaadir ee Rabiyow adigu badbaadi dadkaan iyo deegaanadaan ay ku dagaalamaayaan danleyda kala daran.

    Waxa Qoray:  Mohamoud Ghedi Aw Hilowle

    [email protected]

    Mog. Som.

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    Ex-Banaadir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous Article‘Little Mogadishu’: 2nd home for Somalis in S. Africa
    Next Article Wafdi uu hogaaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka oo si lama filaan ah u tegay Guriceel

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo