Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil maanta ka dhacay xaafada Trebuunka ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho.
Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu ka mida ahaa Darawallada Gaadiidka lagu barto Wadista baabuurta, waxaana magaciisa lagu soo koobay Caddaawe, iyadoo kooxdii dilka geystay la sheegay inay ku lebisnaayeen dharka ciidamada dowladda.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay qabteen raggii dilka geysta oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan dilkaasi iyo sababta keentay.
Ciidamada Booliska oo xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen raggii dilka geystay ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan kiiska dilka ah, ayna dib ka sheegi doonaan faahfaahintiisa.
Wadani