Faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qarax ka dhacay agagaarka Xaaji baasto oo u dhow wadadda Shaqaalaha, Wadadda Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo jidka la dhigay, kaasoo la sheegay in ciidamada ay ka shakiyeen, iyadoo dadka laga fogeeyayna uu qaraxu dhacay oo ahayd meel u dhow Hotelka Mubaarak.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay ka shakiyeen gaariga, waxaana la sheegay inuusan geystay qasaare kooban oo ah laba qof oo dhaawac soo gaaray, iyadoo ay arrintaasi yareysay in qasaare uu dhaliyo qaraxa.
Wadada Al-mukarama oo ah wado muhiim ah ayaa marti u noqotay qaraxyo joogto ah, iyadoo ciidamada xasilinta oo meelo badan ku ugan aanay ku guuleysan inay ka hortagaan.
Wadani