Faahfaahin iyo xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii saaka aroortii ka dhacay degaanka Daaru-nicma ee degmada Ruun-Nigood ee Gobolka SH/Dhexe, kaasoo Alshabaab ku qaadeen degaankaasi.
Weerarka oo qaraxyo ku bilowday ayay dadka degaanka sheegeen in qeyb ka mida degaanka ay galeen Alshabaab, iyagoo dilay dad badan oo ay ka mid yihiin shacab iyo askar ka mida ciidamada degaanka ee Macaawisleyda.
Ciidamada Macaawisleyda oo degaanka ka difaacay Alshabaab ayaa dagaal culus la galay Alshabaab, waxayna gaarsiiyeen qasaare xoog leh, iyadoo labada dhinac uu soo gaatay qasaare keenay inay ku dhintan ilaa 40 qof oo labada dhinac ah.
Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Bixii ayaa sheegay in ilaa 27 maleeshiyo looga dilay Alshabaab dagaalkii Daaru-nicma, isagoo qiray in cidiamada Xoogga dalka aysan halkaasi joogin xilliga weerraka dhacay, balse ay gurmad ku tageen.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarka Daaru-Nicma ku dileen ilaa 38 askari, ayna gubeen gaadiid dagaal, iyagoo soo bandhigay magacyada 10 ka mida saraakiil iyo ciidamo ay ku dileen halkaasi.
Dadka dagaalka lagu dilay waxaa ka mida Nabadoon Cali Xasan Ma-qubeyste, Cabdi Shabad iyo Cali Duud Qaanse, saraakiil iyo askar kale. Gudoomiyaha degmada Nuur-nirgood ayaa sheegay in dhinacooda dagaalka looga dilay 4 qof.