Qarax is-miidamin ah ayaa galabta ka dhacay Guryaha saraakiisha, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Qarax ayaa la sheegay in lagu beegsaday goob ay isugu imaan jireen sarakaiisha, waxaana la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Cabdi Axmed Yuusuf oo guddoomiye ku xigeenka degmada Marko, soona noqday guddoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Shebeellada Hoose.
Qaraxa waxaa ku dhaawacmay saraakiil milateri oo goobta ku sugnaa, waxaan tiradooda lagu sheegay 5 qof, iyadoo goobta qaraxa ka dhacay ay xireen ciidamada Amniga.
Dadka qaraxa lagu dhaawacay waxaa ka mida taliyihii amniga wasaaradda gaashandhiga Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Muxumad Qaanso oo xaaladiisu culus tahay, lana sheegay inuu ahaa qofka la beegsaday ee qaraxa loola dan lahaa.
Mas’uulkan ayaa ka soo jeeda degmada Dhuusamareeb ee casimadda Galmudug, wuxuuna qaraxa lagu beegsaday noqonayaa kii labaad ee saraakiil iyo mas’uuliyiin toos loogu beegsaday degaaakan.
Alshabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna war ay soo saartay ku caddeysaay in Qarax Is-miidaamin ah lala eegtay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kasoo ka dhacay kasoo horjeedka xarunta wasaaradda gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho,.