Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan ninkii geystay dilkii xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.
Ninkan oo ka mid ahaa ilaalada xildhibaan Maxamuud Abukaare oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa la xaqiijiyey inuusan ahayn ciidan ama askari ka tirsan ciidamada dowladda, balse uu ahaa qof shacab ah oo ka mida maleeshiyooyinka beelaha.
Ninkan oo hadda ku xiran xarunta dembi baarista ee CID-da ayaa la sheegay xildhibaan Abukaate sifo aan sharci ahayn ugu dhiibay qori, isagoo ka dhigay ilaaladiisa, iyadoo xildhibaannada loo ogol yahay inay ilaalo ka dhigtaan ciidamada kala duwan oo gunno lagu siiyo.
Baaritaanka ku socda kiiskan ayaa salka ku haya in ninkan dableyda ah uu si bareer ah rasaas ugu furay xildhibaanka oo gaarigiisa ku jiray, kadib markii uu gaarigu ku tegay gaariga Toyota Hilux ee uu dhinaca danbe ka saarnaa.