War-saxaafadeed kasoo baxay caawa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in tiradii ugu badneyd laga helay cudurka Coronavirus 24 saac gudahood.
War-saxaafadeedka Wasaaradda ayaa u qoranaa sida soo socota:
Dowladda Oo Xaqiijisay in ay soo Kordheen Xaalado Cusub oo COVID-19 Ah:
• Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 35 xaalad oo cusub oo COVID-19 ah 24kii saac ee ugu dambeysay
. Xaaladaha cusub 32 kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hageysa, Booramana waxaa laga helay qofkii ugu horreeyay.
• Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood.
• 52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa ayna ku karantiilan guryahooda, sedax kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyadoo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane.
• Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada.