Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay gacanta kusoo dhigeen Oday xalay magaaladaasi ku dilay wiil uu dhalay.
Falkan ayaa xalay fiidnkii ka dhacay xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inuu muran dhex maray aabaha oo lagu magacaabo Cusmaan Ibaahim iyo wiilkisa curadka ahaa ee Ibrahim oo 14 ilaa 15 sano jir aha, kadibna uu Toorey ama Mindi ku gowracay, isagoo kadib baxsaday.
Ciidamada Booliska ayaa saaka gacanta ku soo dhigay Odayga dilka naxdinta leh. Taliyaha ciidamada Booliska ee magaalada Jowhar Maxamed Siyaad Canjeed ayaa sheegay in odayga oo ka mid ahaa dadka xoogsad ee baabuurta rara ay soo qabteen, lana xiray, haddana uu baaritaan ku socdo, isla markaana aan weli la aasin wiilka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in odayga wiilkiisa dilay uu ahaa nin dhimirkiisa aanu caadi ahayn, wuxuuna falkan ahaa mid naxdin ah oo dadka magaalada Jowhar ay si weyn u hadal hayeen tan iyo xalay markii uu warkan soo baxay.