Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa shegaya in maleeshiyada Alshabaab ay toogasho ku dileen laba askari oo Itoobiyaan ah, kadibna ay hubkii ka furteen.
Arrintan ayaa ka dhacday degaanka War-caddeey ee u dhaxeeya degmooyinka Xudur iyo Waajid, waxaynana Alshabaab shaacisay in weerar qorsheysan ay ku dishay duleedka degmada Waajid laba askari oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, iyadoo hubkii ay siteen ka furatay oo kal ahaa laba qori oo Shuuter ah iyo Qori K 47 ah.
Wararka laga helay dadka degaanka ayaa sheegaya in labadan askari ay ka baxsanayeen Kahmiistii ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay garoonka degmada Waajid, iyadoo aan la ogeyn sababta ku kaliftay, kadibna ay Alshabaab cidlo ku heleen, sidaasina ay ku dileen, hubkiina uga furteen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in askartan ay doonayeen inay dhinaca xuduudka ka galaan Itoobiya, balse ma jirto wax War ah oo kasoo baxay ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.