Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal ay saaka maleeshiyada Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, Gobolka Jubada Hoose.
Dagaalka oo dhacay saaka aroortii, isla markaana socda saacado ayey Alshabaab sheegteen inay gudaa u galen saldhigga, ayna qasaare gaarsiiyeen ciidamada Mareykanku tababarray, laakiin saraakliisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay inay iska caabiyeen weeerarkaasi
Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii Al-shabaab dhowr jiho ka weerarreen Saldhiga Ciidamada Jubaland ay ku leeyihiin Degaanka Baar-sanguuni oo ah saldhig weyn oo ay ka howlgalaan ciidamada gaarka ah ee Mareykanku la shaqeeyo. Wararka ayaa sheegaya in Gaari qarxa ay adeegsadeen Alshabaab, kadibna ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland.
Afhayeenka maamulka Jubbaland C/nuur Ibraahim Xuseen ayaa beeniyey inay Alshabaab gudaha u galeen saldhigga, wuxuuna sheegay in qaraxyadu ka dhaceen degaaanka Tuulo xaaji, laguna dilay 10 Alshabaab ah sida uu yiri.
