Alshabaab ayaa maanta weerar ku qaaday degaanka Beerxaano ee kuyaalla koonfurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Maleeshiyada Al Shabaab ayaa weerarkooda saddex geesoodkaa ahaa yimid, kadib markii ay ka gudbeen Webiga, una tallaabeen dhinaca kale ee Jiinka Webiga, waxayna gaareen degaanka Beerxaano oo ilat 30 KM u jira magaalada Baledweyne.
Dagaal culus ayaa ka dhacay saaka degaanka Beerxaano, waxayna wararku sheegayaan in Al Shabaab gudaha u galeen degaanka, halkaasoo uu dagaal culus ku qabsada. Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay jebiyeen maleeshiyadii Alshabaab ee soo duushay, ayna gaarsiiyeen qasaare.
Alshabaab ayaa dhinaceeda sheegatay inay la wareegtay degaanka Beerxaano, iyagoo aan faahfaahin ka bixin dagaalka iyo qasaarah kasoo gaaray.
Arrintan ayaa muujineysa in weli Alshabaab ay saldhigyo ku leeyihiin galbeedka Gobolka Hiiraan, halkaasoo ay ka bilaabeen inay weeraro ka qaadaan.
