Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar culus oo saaka Alshabaab ku qaaday degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
Weerarka oo ku bilwoday Qaraxyo waweyn oo is miidamin ah ayey Alshabaab ku sheegteen inay ku qabsadeen Gaadiidka dagaalka oo gaaraya 5, ayna la wareegeen degaankaasi, iyadoo ku dilay askar badan oo ka tirsan kuwa dowladda.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay inay iska caabiyeen weerarka Alshabab , isla markaana uu socda dagaal culus, kadib markii Alshabaab dhowr jiho kasoo weerarreen saldhigga ciidamada ee degaanka Bacaadweyn.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in dagaalka oo weli socda uu dhaliyey qasaare xoog leh iyo dhimasho soo kala gaartay labada dhinac, iyadoo weli aan la helin tirada rasmiga ah.
