Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in maleehsiyo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Gaari ay wareen ciidamada dowladda oo ku sii jeeday magaalada Jowhar.
Weerarkan ayaa ka dhacay meel u dhow Haanta Sheekha oo ah goob bohol ah oo Alshabaab ay miinooyin ku aasaan, isla markaana ay weerarro ka geysteen, waxaana weerarka lagu dilay 2 askari, halka 4 kale lagu dhaawacay.
Gaariga la weerarray oo ahaa Land Cruiser nooca Cabdi Bileha ayaa ka mid ahaa ciidamo la dhex dhigay beelo ku dagaalamay Gobolka Sh/Dhexe, waxaana uu ku sii jeeday magaalada Jowhar.
Askarta meyda iyo kuwa dhaawaca ayaa la geeyay magaalad Jowhar, waxaana dhaawaca lagu daweynayaa isbitaalka magaalada, sarkaakiisha dowladda ayaa sheegay in askarta ay iska caabiyeen weerarka ayna qasaare gaarsiiyeen Alshabaabkii soo weeraray.
Wadadda isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa qarka u saaran inay xiranto iyadoo ay isugu darsameen roobab jaray wadooyinka iyo weerarrada Alshabaab, iyadoo madaxa maamulka Hirshabeelle ay diyaarado adeegsadaan.